26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Muqdisho: Mas’uul sare oo DF la dilay iyo C/raxmaan Ceynte oo sheegay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Kooxo hubeysan ayaa dil maanta ka geystay degmada Dharkeynlay  ee gobolka Banaadir, iyadoo la dilay masuul ka tirsanaa wasaarada qorsheynta ee xukuumada Soomaaliya.

Kooxaha hubeysan ayaa dilka u geystay masuul ka tirsan wasaarada qorsheynta ka tirsanaa oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamed Siyaad kaasi oo la sheegay inuu kusoo jeeday xafiiskiisa shaqada.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/raxmaan Ceynta oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in falkaasi uu qeyb ka yahay dilalka ka dhanka ah dowladnimada.

Wuxuu sheegay inay ka xun yihiin ayna cambaareynayaan dadka dilkaasi ka dambeeyay, isagoo sheegay inay baaritaano sameynayaan ciidamada amaanka.

“Dilka wuxuu ahaa mid waxuushnimo ah, wuxuu qeyb ka yahay falalka ka dhanka ah dowladnimada iyo horumarka la gaarayo”ayuu yiri wasiirka qorsheynta xukuumada Soomaaliya.

Dilka maanta ka dhacay xaafada TABAKAAYO madow ee degmada Dharkeynlay  ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo masuul ka tirsan wasaaradaha dhawaan ay ansixiyeen golaha baarlamaanka loo geysto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News