WAR SAXAAFADEED
Anigoo tixraacaya qoraakii ka soo baxay shaley oo ay taariikhdu aheyd 17/2/2015 xafiiska Madaxweynaha Dowladgoboleedka Koofur Galbeed 6da gobol Mudane Madowe Nunow Maxamed, qoraalkaasoo loo kala diray Dhammaad Madaxda Dowladda sida Madaxweynaha Dowladda federalka Somaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud, Gudomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Sh.Cisman Jawaari iyo Ra,isulwasaraha Dowladda Federalka Somaliya Mudane Cumar Cabdurashiid Cali Sharma’arke iyo beesha caalamka sida Xogahayha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, Wakiilka Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ee Somaliya, urur goboleedka Igad, iyo qaar ka mid ah Safaaradaha Dowladaha ay ku leeyihiin Somaliya sida safaaradda Mareynkanka, safaaradda Ingriiska iyo qaar kaloo badan.
Hadaba Madaxweynaha Dowladgoboleedka koofur galbeed ee 6da gobol Mudane Madowe Nunow Maxamed oo uu qoraalkiisa ku cadeeyey in muddo 60 maalmood ay ka soo wareegtay markii ay saxiixeen Xildhibaanada Barlamaanka ugu jira digil iyo Mirifle heshiis 10 qodob ka koobnaa, kaas oo la yiri waxaa lagu dhex dhaxaadinaa Dowladdgobolledka gacan kurimiska ah ee sedadxda Gobol iyo Dowladgobleedka koofur galbeed ee ku timid sida sharciga iyo dastuurka qabo, rabitaanka shacabka ilaa iyo hadda ku joogto rabitaanka Shacabkii soo dhistay.
Hadaba iyadoo aad looga wada dheregsanyahay in dowladgoboleedka 3da gobol ee gacan kurimiska ah aysan ku imaan rabitaan shacab iyo kalsoonida shacab toona, ayaa hadana waxan u aragnay in tobankaas qodob ee la sheegay in ay ku heshiiyeen Xildhibaanada Qaranka dowladda ugu jira Digil iyo Mirirfle iyo sedaxda gobol , in ay tahay ku qabatay iyo qadar alla waa loo qaataa iyo shacabka ugu daneeya oo ha dhamaato is jiidka siyaasadeed si shacabka gobolladaan ku dhaqan ay u helaan baahida ay u qabaan adeegga ay haystaan gobolada kale ee la mid ka ah.
Iyadoo awalba aan saluugsaneyn qaabka uu ku yimid heshiiska la sheegay in ay galeen Xildhibaanada, ayaa hadana waxaa uu annaga nagu yahay maqal oo kaliya ilaa iyo hadda meel iyo cid nagala soo xiriirtay hirgelinta heshiiskaan ma jirto hadii aanu nahay Dowladgoboleedka koofur galbeed ee k u dhisan rabitaanka shacabka, sida kor ku xusan waxaana laga joogaa saxiixa heshiiskaas la sheegay in ay galeen 3da gobol iyo Xubnaha Xildhibaanada qaranka ugu jira Digil iyo mirifle muddo 60 maalmood ah.
Hadaba Dowladgoboleedka Koofur galbeed ee 6da gobol waxaa loo geystay Xasuuq siyaasadeed oo si bareer ah loo sameeyey, waxana tusaale u soo qaadan karaa hadii hees oo ah munkar oo aan alle raalli ka heyn qof soo alifay oo uu qof kale sheegto waa dembi oo waa la isku dacweyn karaa maxkamadaha hortooda , sidoo kale Ruwaayad ama buugga qofkii allifay qof aan aheyn hadii uu sheegto waa dembi, maxay dembi u noqon weydey sheegashada magaca koofur galbeed, calanka koofur galbeed iyo dastuurka koofur galbeed ee 6da gobol oo dad aan laheyn sheegtay xoogna ku qaatay.
Sidaa darted Koofur galbeed xasuuqa siyaasadeed ayaa loo geystay waxaa ka mid ah
1.- Magaca Dowlad goboleedka Koofur galbeed iyadaa iska leh iyadaa aliftay loogamana horeyn, marqaatina waa laga wada yahay idaacadaha iyo shaashadaha caalamka ayaa qiraya in magaca koofur galbeed aan looga horeyn 6da Gobol hadana waa laga biliqeystay, waxaana biliqeystay Masuuliyiinta Sare ee Dowladda iyo Beesha Caalamka iyo 3da gobol , masuuliyiinta dowladda iyo beesha caalamka ayaana raalli ka noqday fikir dad leeyahay in ay dadkale siiyaan u sharciyeeyaan una aqoonsadaan .
2.- Calanka Kooxda 3da gobol ay haystaan waa kii astaanta u ahaa koofur galbeed ee 6da gobol, waxaana marqaati u ah 6da xidig oo u taagan 6da gobol. Waa feker maalmo dhan laga doodaayey markii dastuurka Maamul goboleedka 6da gobol la ansixinaayey mudo badan la isku diiday ugu dambeyntii la isku raacay kan 6da xidigood ku taallo , waana feker laga xoogay koofur galbeed raallina ay ka noqdeen in sidaas siyaasad ahaan loo xasuuqo koofur galbeed Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka ,Ra,iisulwasaarahii hore ,Gudomiyaha Barlamaanka iyo Beesha caalamka oo isku duuban waayo waxay koox u aqoonsadeen calan iyo astaan aysan xaq u laheyn oo bililiqo ah.
3. Dastuurka ay sheeganayaan gruubka 3da Gobol waa kii Koofur galbeed ee 6da gobol oo dhowr qodob uun laga bedelay inta kale waa fekerka Dowlad goboleedka koofur galbeed ee 6da gobol ay lahaayeen , hadana madaxada Dowladda federalka iyo beesha caalamka koox ayey u aqoonsadeen. Waana meel ka dhac aad u mug weyn oo la iska indhatiray shuruucda dalka iyo kan caalamka u degsan waayo fikir ay dad leyihiin ayey dadkale u aqoonsadeen una sharciyeeyeen .
4 Waxaa intaas ka sii xun intii uu socday shirkii ka socday Xerada ciidamada qalabka sida ee Magaalada Baydhabo dhowr mar ayey isku dayeen masuuliyinta Dowladda in ay hakiyaan markii ugu hooreysey Gudomiyaha Barlamaanka ayaa idaacadaha u sheegay in shirkaas qaabka uu ku socdo inuu yahay qaab qaldan sidaa darted wa in joojiyo islamarkaasna aan la ansaxin dastuurka bililiqada ah, hase yeeshee waxaa u jawaabay Gudomiyaha Barlamaanka wasiirkuxigeen markaas shirka 3da hogaaminaayey.
Su,aalsha halkaas ka soo baxeysa oo ah amar uu bixiyey Gudomiye barlamaan Somaliyeed wasiirkuxigeen ma jebin karaa, hadiise uu jebiyey muxuu muteysan karaa?? Taasi jawaab looma hayo ilaa iyo imika.
5.- Waxaa ka sii daran markii sedaxda Masuul ee dalka ugu sarreysey qoraal ay wadajir ugu saxiixan yihiin sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, Ra.iisulwasaare Cabdiweli Sh.Axmed oo markaasi ahaa ra,iisulwasaaraha Dalka iyo Gudomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Sh. Cisman Jawaari, ay soo saareen taariikhdu markii ay aheyd 17/2/2014ka ayna si wadajir u amreen in la hakiyo muddo 14 maalmood ama laba cubuuc ah shirka ka socda magaalada Baydhabo si loo saxo khaladaad jira.
Hase yeshee su,aashu waxay tahay amarkaas 3da masuul sida wadajirka ah ay u soo saareen sidii loo amray ma loo fulay? Jawaabtu waa maya hawshooda ayey iska sii wateen dadkii shirkaasi hogaaminaayey iyagoo dhegaha ka fureystay amarada madaxda sare ee Dowladda.
Maalintii ay taariikhdu aheyd 28/11/2014ka iyadoo magaalada Baydhabo ay wada qiiqeyso dadna lagu dilay dadna lagu dhaawacay baabuur badana lagu gubay, iyadoo banaanbax rabshada watta oo lagu diidan yahay waxa ka socda xereda ciidamada ayaa soo yeertay in shirkii ka socday Magaalada Baydhoabo lagu doortay Madaxweyne, taasoo wax lagu qoslo ah.
6. Waxaa taas xigtay markii Gudoomiyaha Barlamaanka oo 28kii Nofembar 2014ka uu kusime Madaxweyne ahaa, iyadoo Madaxweynaha safar dibadda ah ku maqnaa uu Idaacadaha u sheegay Gudomiyaha Barlamaanka waxa baydhababo ka dhacay aan la oran Karin waa doorasho dowladana aysan aqoosaneyn aqoosana doonin.
7.- waxaa kadaroo dibidhal noqotay markii Madaxweyniihii safar dibadda ah ku jooga inuu ku dhawaaqay inuu aqoonsan yahay waxa baydhabo ka dhacay uu taageerayo una hambalyeynayo madaxweynaha la doortay. Madaxweynaha wuxuu sugi waayey intii safarkiisa uu soo dhameystirayo oo ay iska arkayaan asaga Gudomiyaha Barlamanka oo siihayaha Madaxweynaha ahaa.
Hadaba Jawaabta shacabka Somaliyeed ayaan u deynayaa ee ah xalaalnimada waxa baydhabo lagu dhoodhobay looguna yeeray Dowladgoboleedka koofur galbeed 3da gobolka inay waddo xalaal ah ku timid iyo inkale maadaama aan la marin dariiqii saxa ahaa ee ay mareen Dowlad Goboleedka koofur galbeed ee 6da gobol, sidaa darteed ma mudantahay kooxdaan is magacaaway in loo aqoonsado dolwladgoboleed????????
Waa maxay mowqifka Dowlad goboleed koofur galbeed ee 6da gobol,
Mar hadii maamulkii gacan kurimiska ahaa ee dulmigana ku yimid uu diiday inuu fuliyo heshiiskii ay la galeen Xildhibaanada ugu jira Digil iyo mirifle Barlamaanka, kaasoo la sheegay inuu 10 qodob ka koobnaa, Dowladgoboleedka Koofoor galbeed waxay sii wadaneysaa hawshii ay u haysay shacabkii soo dhistay oo ku kala firirsan 6da gobolka ee koofur galbeed iyo dunidda daafaheeda.
Dowladgoboleedka koofur galbeed way u dhisanyihiin hayadaheeda dastuuriga ah sida Madaxweynaha, kuxigeenadiisa, Golihii Wasiirada iyo Golaha Barlamaanka, sidaa darted hawshii loo igmaday ayey u taagan yihiin una taagnaan doonaan , cid ay aqoonsi ka sugayaan oo aan ilaah koonkaan iska leh ka aheyn ma jirto, iyadaana dalka ka talisa, lamana qeybin karo 6da gobol, mana oggolaaneyso dowladgoboleedka koofur galbeed taakko ka mid ah dhulkeeda waa 6da gobol in la qeybiyo ama ay cid kale sheegato.
Wabillaahi towfiiq
WASIIRKA WASAARADDA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA
DOWLADGOBOLEEDKA KOOFUR GALBEED EE 6DA GOBOL
Mudane Maxamed Sheikh Cali Axmed(Woosh)