Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay Khilaaf Siyaasadeedkii ka taagnaa Gedo, kaasi oo salka ku haya Shirar kala gaar ah oo ka socda Dooloow iyo Garbahaareer oo midna lagu taageerayo Maamulka Juba midna looga soo horjeedo Maamulkaas.
Khilaafkaasi oo markii hore u dhaxeeyay Siyaasiyiinta ayaa hada u gudbay Odayaasha Dhaqanka ah, mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Shirka Garbahaareey ku tilmaamay Shirka Dooloow mid aan ka talineynin aayaha Jubaland.
Siyaasiyiinta labada Shirar kala hogaamineysa ayaa hawada isu marinaayo dhaliilo, laga dheehan karo Colaado, taasi oo suuragal ah inay sababto dhibaato ay ka dhexlaan Bulshooyinka ku kala nool Dooloow iyo Garbahaareer.
Dhanka kale, waxaa kala irdhoobay Odayaashii Ergada u kala ahaa labada garab, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Axmed Madoobe uu u hanjabay Odayaasha ka qeybgala shirka maamulkiisa looga soo horjeedo.
Xaalka ayaa u muuqda mid alow sahal ah, waxaana xili waliba suuragal ah inuu dagaal dhex maro Labada garab ee ku kala shiraayo Dooloow iyo Garbahaareer.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

