28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

KHAATUMO oo jab gaarsiisey S/LAND !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Xubno kamid ah maamulka Khaatumo ayaa guulo ka sheegtay dagaal u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo Khaatumo, kaasoo ka dhacay duleedka degmada Buuhoodle.

Gudoomiyaha golaha deegaanka ee Buuhoodle ayaa sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya, wuxuuna sheegay inay gubeen gaadiid dagaal.

C/fataax Cali Cawil, ayaa sheegay in ciidamada Khaatumo aysan marnaba dagaalka joojin doonin ilaa Somaliland ay ka joojineyso dagaalada ay kusoo qaatay deegaanada maamulkooda uu ka taliyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan aqbali karin in la kala qeybiyo deegaanada Soomaalida, isagoo sheegay in Somaliland ay dooneyso inay dhulka Soomaaliyeed kala qeybiyo.

Ugu dambeyn wuxuu ku hanjabay in Somaliland ay kaga adkaan doonaan deegaanada ay soo weerarayaan isagoo sheegay inay isku diyaariyeen difaacida deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News