25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

DF SOMALIA oo go’aan kasoo saartay wada hadallada kala dhexeeya S/Land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa war ay kasoo saartay wada-hadallada iyada iyo Somaliland, waxayna ku bilowday:-

Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul ay u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo farsamo.

Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri warkaas kasoo baxay dowladda, waxaa uu caddeynayaa in uu diyaar u yahay in uu la fariisto Wafdiga Somaliland, oo isaguna ku sugan Istanbul, si loo guda galo wadaxaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.

Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay warkaas ay dowladdu kasoo saartay kulanka Istanbuul.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News