28.3 C
Mogadishu
Saturday, June 6, 2026

S/land oo sharuud adag hordhigtay DF Somalia iyo rajo xumo laga muujiyay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta uu ka furmay shirka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya dalka Turkiga ayaa waxaa jirto rajo aan weyneyn oo laga muujinayo waxyaabaha kasoo bixi kara shirkaasi.

Maamulka Somaliland ayaa rajo aan wanaagsaneyn ka muujinaya shirkaasi oo markii sideedaad ay isku arkayaan madaxda mataleyso dowlada Soomaaliya, kaasi oo maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka aribada dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay soo bandhigeen sharuud ku aadan in dad kasoo jeeda Somaliland  aysan matali karin dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale war qoraal ah oo uu baraha Internetka uu kusoo daabacay wasiirka madaxtooyada Somaliland ayuu ku sheegay in wax rajo ah aysan ka qabin waxyaabaha kasoo bixi kara shirka ka dhacaya magaalada Istanbul.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada Soomaaliya oo dhankiisa baraha internet-ka qoraal soo dhigay ayaa rajo ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi kara shirka maanta ka furmay magaalada Istanbul.

Somaliland ayaa shirka maanta dooneysa in gunta hoose loogu daadago, maadaama ay doonayaan in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News