25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Diyaarad sidday dhaawacyo tiro badan oo garoonka MUQDISHO ka duushay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad siday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Centeral Hotel ee Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka duushay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradani ayaa qaaday ugu yaraan 13 qof oo ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Central Hotel kuwaasi oo loo qaaday Dalka Imaaraadka Carabta.

Dhaawacyadaani ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ka sagootisay Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka arrimaha Dibadda kuwaasi oo bogaadiyay dhibanayaasha iyo dadkii la socday.

Waxa ay sheegen in Dhaawacyada lagu soo dabiibaayo Dalka Imaaraadka Carabta halkaasi oo ay dowladda ka heshay gargaar Caafimaad.

Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Imaaraadka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garan taagan yihiin islamarkaana ay ka caawin doonaan arrimaha bini’aadanimada iyo Caafimaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News