25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

DAGAAL ka qarxay Degmada Guri-Ceel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu hadda ka socdaa Degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud, kaasi oo u dhexeeyo Ciidamada DF Somalia iyo kuwa Ahlu sunna.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo hubka culculus, ayaa waxa uu si xoogan iminka uga socdaa Xaafadda Jafanjeef ee degmada Guriceel, kaasi oo bilowday ka dib markii la sheegay in ciidamada Ahlu-sunna ay weerar ku qaadeen fariisin halkaasi ku lahaayeen Ciidamada dowladda.

Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaayo in labada dhinac ay isu adeegsanayaan Hubka culculus, iyadoona halkaasi ay ku qulqulayaan Ciidamo gurmad u ah labada dhinac.

Lama Oga Khasaaraha dhabta ah ee Dagaalkaasi ka dhashay, inkastoo halkaasi ay gaarayaan gaadiidka gurmadka, hadana ma jirto cid xaqiijinkarto halka uu Khasaaraha gaarsiisan yahay.

Dhanka kale, Degmada Guriceel ayaa waxa ay mudooyinkaani marti galineysaa dagaalo soo laalaabtay kaasi oo u dhexeeya Ciidamada DF iyo kuwa Ahlu sunna, mana jirto cid ku guuleysatay daminta dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News