Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Maamul Goboleedka Puntland.
Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo uu watay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Canshuuraha Beriga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Qaraxa oo geystay Khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Iskuulka Yameyska ee Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa ku geeriyooday Qaraxa, iyadoona uu dhawac kasoo gaaray laba ruux oo xiliga Qaraxa ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale, waxaan ilaa iyo hada la ogeyn halka Taliyahaasi gaarigiisa looga soo xiray qaraxa, waxa uuna imaanayaa xili maalmihii dambe halkaasi ay ka jireen weeraro lagu carqaladeeynaayo Amaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

