Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf ayaa ka taagan xil ka qaadis uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia uu la damacsan yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqo Muqdisho Xasan Maxamed Xusen Mungaab.
Warar kala duwan oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Odayaal ka socda dhanka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay gaareen Xafiiska Madaxweyne Xassan si ay u muujiyaan ka dhiidhinta xil ka qaadista Mungaab.
Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa la tilmaamayaa inay ku doodayaan in Madaxweyne Xassan uu godob Siyaasadeed ka galaayo, hadii uu xilka ka qaado Mungaab, waxaana la soo warinayaa in Madaxweyne Xassan uu Xildhibaanada iyo Odayaasha ku wargaliyay in Mungaab uu xilkaasi hayo Hal sano tan iyo markii loo magacaabay xilka balse aysan muuqan waxqabad uu kusoo kordhiyay Gobolka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaliilsan qaabka uu shaqada u wado Xasan Maxamed Xusen Mungaab oo shaqadiisu kusoo koobay Xaflado iyo damaashaad, taasina waxa ay rajo xumi ku riday hanaanka Gobolka.
Madaxweyne Xassan oo ku adkeystay in Mungaab laga qaadayo xilka, ayaa waxaa kasoo horjeestay Xildhibaanada iyo Odayaasha oo iyagu Xassan ka codsaday in tijaabo hal sano ah loogu daro xilkiisa maadaama uu u taagan yahay reer.
Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Xassan, Xildhibaanada iyo Odayaasha ay ku kala kaceen shirka iyadoo aan laga gaarin wax natiijo ah, mana cadda in Madaxweyne Xassan uu kusii adkeysan doono xil ka qaadista Mungaab iyo inuu ka laaban doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

