28.5 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Shariif Xasan Sheekh oo qorshe cajiib ah ka wada Marko iyo Habar-Gidir oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada Online) – Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose waxaa seddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga waxaa kamid ah wasiirka beeraha maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi, wasiir ku xigeenka haweenka Binto Ibraahim Cali, xubno odayaal dhaqameed ah oo kasoo jeeda dhinacyadii ku dagaalamay gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.

Waxaa ka socday duleedka degmaa Marko kulamo kala duwan oo lala qaadanayay odayaasha dhaqanka ee kala matalaya beelaha Habargedir iyo Biyomaal si loo dhameeyo khilaafka labada beelood.

Ujeedada kale ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo xoojin lahaa hishiiskii dhawaan lagu wada saxiixday magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, hishiiskaasi oo uu goobjoog ka ahaa Shariif Xasan SHeikh Aadan.

Xubno kamid ah gudigaasi oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan lana doonayo in maalmaha soo socda lasoo afmeero kulumada magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Labada beelood ayaa marar badan ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xusid mudan in wasiirada ugu badan ee ku sugan magaalada Muqdisho ay kasoo jeedaan mid kamid ah beelaha la hishiisinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News