28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Madaxweyne hogaamin doona maamul dhowr GOBOL oo maanta is-shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Sayid Aden oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Maamulkii K/Galbeed oo uu madaxda ka ahaa Madoobe Nuunow ayaa shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtey degmada Garbahaarey waxuu daboolka uu kaga qaadey inuu yahay Madaxweynaha KMG ee Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.

Hadalka Maxamuud Sayid Aden ayaa waxaa uu ka dambeeyey ka dib markii Madoobe Nuunow maalinamadii shaley wareegto ka soo baxdey Xafiiska shariif Xasan loogu magacaabey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamulka K/Galbeed ee ka kooban 3 Gobol.

“Mowqifkeena wuu cad yahay Mar haddii madaxweynaha uu is casilosida ku cad Dastuurka Maamulka K/Galbeed ee Lixda Gobol waxaa kaalinta buuxinaya Madaxweyne ku xigeenka,maamulkana waxaa mudadiisu ay ahayd 5 sanno, hal sanno ayaa noo dhamaatey, waxaana cadeynayaa in waxi maanta ka bilaabma in aan ahay Madaxweynaha K/Galbeed, xubanahana baneeyeyna xilalkana dib ayaan ka soo magacaabi doonaa” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aden.

Hadalka ka soo yeeray Maxamuud Sayid Aden ayaa u muuqanaya rajadii ugu dambeysay ee sheegashada Maamulkii K/Galbeed ee lixda Gobol,mar haddii madaxweynahii maamulkaasi uu meesha ka baxay,lama oga waxa uu soo kordhin doona Hadalka Maxamuud Sayid Aden.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News