26.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Faahfaahin: Mooto laga soo buuxiyay waxyaabaaha qarxa oo lagu qabtay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka Degmada ay gacanta ku dhigeen Mooto nooca loo yaqaan Bajaj-ta oo lagu soo xiray walxaha qarxa.

Mootadani, oo gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa Saxaafada loogu soo bandhigay Saldhiga Booliska Degmada Hodan.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ujeedka Mootada ay aheyd fulinta weerar waxaana la sheegayaa in dhowr jeer ay ku hor laalabatay Saldhiga markii dambane lagu sameeyay baaritaano suuragaliyay in laga hortago weerarka.

Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan oo lagu soo bandhigay mooto bajaaj-ka, ayaa waxaa Saxaafadda kula hadlay Afhayeenka Ciidanka Booliska Somalia Qaasim Axmed Rooble iyo Gudoomiyaha Degmada Hodan C/qaadir Cali Kullane.

Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Booliska, ayaa sheegay in booto bajaaj-ka la doonaayay in loo adeegsado amni darada Magaalada Muqdisho, laakiin uu ku mahdinaayo in gacanta lagu soo dhigay.

Dhanka kale, waxaa isna goobta ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Hodan, oo Ciidanka Booliska ku ammaanay shaqada wanaagsan ay qabteen, islamarkaana ay tani muujineyso sida ay laamaha ammaanka kaga shaqeynayaan nabadgelyada.

Ragga lala soo qabtay mooto bajaajka, ayaa waxaa lagu wareejiyay Hay’adda Dembi Baarista Qaranka ee CID-da, iyadoo lagu wado in baaritaano ballaaran ku sameyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News