27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog: Dowlada Soomaaliya oo qancisay beelaha G/Gaduud & xog sheegaysa…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galgaduud (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud waxaa ka socda shirka dib u hishiisiinta oo ay ka qeyb galayaan beelaha daga deegaanadaasi,

Waxaa jiray in dadka ka qeyb galaya shirkaasi ay aad u dhaliilsan yihiin siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ee shirka ka socda magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in maanta la filayay inay tagto magaalada Dhuusomareeb Hayada Wadahadalka bulshada ee CCD oo qaadatay qandaraaska shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb, sida xogta aan ku helayno.

Waxaa la sheegayaa in dowlada Soomaaliya ay qorsheynayso in dhamaadka shirkaasi ay u dirto wafdi ka socda wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya si ay goob joog kaga noqdaan xernaanshaha shirkaasi.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dowlada Soomaaliya ay dhaqaalo badan u direyso magaalada Dhuusomareeb si loo qanciyo odayaashii dhawaan ka carooday dowlada Soomaaliya.

Xildhibaan Jawaahir oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaa ka sheegtay magaalada Dhuusomareeb in shacabka gobolada dhexe ay yaqaanaan Jabhadeys ayna ka tashanayaan dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News