29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Muxuu Diinaari ka yiri Shirka D/Mareeb

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Danjire Cabdiraxmaan Maxamed Nuur ‘’Diinaari’’ oo ku magacaaban Gudoomiyaha gudoonka shirka ka socda degmada Dhuusa Mareeb, ahna musharax Madaxweyne ee Maamulka lagu wado in loo dhiso gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, ayaa ka hadlay shirka ka socda degmadaasi.

Waxa uu sheegay in iminka uu meel wanaagsan maraayo shirka islamarkaana leysla qaada dhigay arrimo dhowr ah.

Diinaari, ayaa sheegay inay jiraan baahiyo badan, balse Odayaasha iyo Ergooyinka ay muujinayaan dhabar adeeg, waxa uuna carabka ku dhuftay in mudada uu socdo shirka ay gaareen guulo la taaban karo.

Diinaari ayaa sidoo kale tilmaamay in beelo badan oo horay u dagaallamay ay hadda wada gaareen heshiis wax ku’ool ah, taasina ay ku imaaday dadaalo ay bixiyeen Odayaasha.

Diinaari oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Shirka ka socda Magaalada Dhuusa Mareeb waxaa la dhihi karaa waxa uu ku tallaabsaday guulo dhaxal gal ah, ka dib markii uu isku keenay beelo wada dega gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, waxaa kasoo baxay heshiisyo dhaxal gal ah ay beel wada gaareen, waxay sameyteen heshiis qoraal ah, beelo badan ayaa ku kulmay, hadana waxa uu u gudbay marxaladii ugu xasaasisaneyd”

Dhanka kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay dhameystirka Howlaha kale ee iminka horyaal, isagoona DF Somalia iyo Odayaasha ku dhiiri galiyay in la eego Aayaha dalka iyo kan Gobolka taageero wanaagsana la muujiyo, waxa uuna Tilmaamay in sidoo kale ay meel wanaagsan mareyso shirka degmada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News