Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dowladda ayaa kala shaki xooggan uu soo kala dhex galay, waxaana mas’uul kasta uu billaabay in uu iska jiro kuwa ugu dhow ee dowladda ka tirsan.
Sababta baqdinta ay kala qabaan mas’uuliyiinta ayaa lagu sheegay in ay timid kadib markii laga shakiyey saraakiil DFS ka tirsan oo gaaraya 12 mas’uul oo ciidanka hogaamiya, kuwaasi oo loo xiray in ay ka dambeeyeen weeraradii ka dhacay hotello ku yaalla muqdisho.
Dowladda ayaa sheegtay in 12-ka sarkaal ee xabsiga la dhigay la rumeysan yahay in ay fududeeyeen weerar ka dhacay bishii January magaalada Muqdisho oo lagu qaaday hoteelka SYL, oo ay ku sugnaayeen wafti Turkish ah.
Cabsida mas’uuliyiinta soo kala dhex gashay ayaa laga dareemayaa xitaa waddooyinka magaalada oo waxaad arkeysaa in gaadiidka ciidanku saarany ihiin ay qudhoodu kala shakinayaan qoryaha ay sitaana isku fiiqayaan mararka qaar.
Amaanka ayaa waxaa uu ahaa tan iyo markii xukuumaddan cusub ay timid mid aan wanaagsaneyn oo waxaa dalka ka dhacay weerarro argagixiso oo ay dad badan oo mas’uuliyiin dowladeed ku jiraan ay ku dhinteen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

