DAAWO: Film ay sameyeyn Soomaalida Sweden oo ka ilmeysiiyay R/W Sweden

Ra’ iisul Wasaaraha Swedan Stefan Löfven ayaa la ilmeeyay qisada filmka Trevligt Folk ee dhalinyarada Soomaalida degan Borlänge dhigeen, kuwaasoo ka qayb galay ciyaaraha barafka aduunka ee Bandy.

Filmkan oo laga daawaday arbacadii baarlamaanka Swedan oo xildhibaano iyo wasiiro ay ka qeyb galeen daawashada filmkaasi.

Wuxuuna sheegay Ra’ iisul wasaaraha Stefan Löfven in uu aad ula dhacay filimka isla markaana uu aad u qoslay markii uu daawaday dhalinyarada oo aan waligood baraf ku socon oo dhulka ku dhac dhacaya. sidoo kalena uu la ilmeeyay markii ay taabatay dareenka filmka uu xambaarsanaa.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: