Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Shariif Aadan oo kamid ah Odayaasha Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u dhaliilay go’aanka ay DF Somalia iyo Laamaha Amaanka ku Ogolaaden dib u furista Hotelka Centeral.
Waxa uu sheegay in dadkii ku dhaawacmay aysan weli bogsan, halka Hoteelkuna durbadiiba uu shaqo bilaabay.
”Waa arrin cajiib ah dadkii ku dhaawacmay weli ma bogsan, muddo Seddex asbuuc kadibna waxaa dib loo furay Hoteelkii, taasi waxaa arrin u dhaceyso riwaayad kale”
Maxamed Shariif Aadan waxa uu Tilmaamay in sharaf dhac ay DF Somalia u tahay in Centeral uu kasii dhex shaqeeyo Magaalada Muqdisho, waxa uuna taa badalkeeda ku sheegay in DF qudheeda ay qeyb ka tahay amaan darida ka taagan dalka, marba hadii la ogolaaday in Centeral la furo.
Ugu dambeyntii, waxa uu carabaabay in taasi ay ka turjumeyso in DF Somalia aysan dan ka laheyn dhimashada iyo dhaawaca Siyaasiyiintii iyo shacabka ku dhamaaday Qaraxyadii mataanaha ahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

