Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Saaxo ee Gobalka Mudug.
Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Maleeshiyo beeleedyo Deegaankaasi wada daga, waxaana la soo warinayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray dagaalamayaasha uu dagaalka u dhexeeyay iyo dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Laba ruux, iyadoo ruux kalena uu dhaawac soo gaaray sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan halkaasi.
Maleeshiyaadkaan dagaalamay ayaa maalmahaan is horfadhiyay, waxaana jiray dagaal sidaan oo kale Khasaare u geystay oo dhex maray dhinacyadaan Laba asbuuc ka hor.
Dhanka kale, xaalada ayaa hadda ah mid degan, inkastoo la maqlaayo rasaas teel-teel ah oo ay is weydaarsanayaan Maleeshiyaadka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

