26.6 C
Mogadishu
Saturday, March 14, 2026

DFS oo Axmed Daaci dib ugu celisay hubkiisa !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in qaar kamid ah Hubkii uu lahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci dib loogu celiyay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hubka loo celiyay ay u badnaayen nooca loo yaqaan Aakaha, halka kuwa kale ay DF Somalia la wareegtay, kadib is-faham dhex maray labada dhinac.

Dadaalkani hubka dib loogu celiyay Axmed Daaci ayaa waxaa ka shaqeeyay Siyaasiyiin iyo Odayaal ka tirsan Beesha Abgaal, waxaana lagu sheegay in ujeedka Hubkaasi loogu celiyey Axmed Daaci inuu naftiisa ku difaaco.

Arrintaani ayaa waxa ay shucaac galineysaa xiriirka ka dhexeysa DF Somalia iyo Beelaha Soomaaliyeed, waxa ayna kusoo beegmeysaa xili ay DF Somalia u xiran yihiin Saraakiil badan oo lagu eedeynaayo iibinta Hubka.

Ciidamo ka tirsanaa Nabadsugida Somalia oo kaashanaayay kuwa AMISOM ayaa 15/08/2014 weerar culus ku qaaday Hooyga uu Axmed Daaci ka degnaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaasi oo ay kula wareegen hubkii Axmed Daaci.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News