26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

XOG: Ethiopia oo hub gaarsiisay CABDI WAAL !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaaren Saraakiil ka socta Ciidamada Ethiopia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Saraakiishaasi ay la socdeen baabuur waday Hub qarsoodi ah oo ay ku wareejiyeen Hogaamiye Kooxeed Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” oo kamid ahaa Hogaamiye Kooxeedkii Isbahaysiga Argagixiso la dirirka.

Hubkaani ayaa la tilmaamayaa in Degmada Guriceel la geeyay toddobaadkii tagay, xilli magaalada ay colaad ka jirtay maalmihii dhowaa.

Sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Hubka ayaa waxaa lagu daad-gureeyay ilaa Shan Baabuur, waxaana halkaasi la tilmaamayaa inuu kula wareegay Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”.

Arrintaani ayaa imaaneyso xili xiisad ay weli ka taagan yihiin Deegaano hoostaga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Lama yaqaan sababta ay Ethiopia hubka u siisay Cabdi Waal, balse sida lagu yaqaan Ethiopia ayaa mar walba hub diyaar ula ah cid kasta oo aan dowli ahayn oo Soomaaliya ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News