26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Dhageyso: Dagaal ka dhacay Deefow & DF oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha saldhiga magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalo saaka ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne gaar ahaan deegaanka Deefow oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaaasi ayuu sheegay inuu yahay mid u dhaxeeyo labo maleeshiyaad oo wada daga deegaankaasi kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soogaaray dhinacyada dagaalamay.

Inta la hubo labo ruux oo dhaawacyo qaba ayaa la keenay isbitaalka magaalada Beledweyne, waxaana adag in faahfaahin dheeraad ah laga helo dagaalka ka dhacay Deefow.

Taliyaha ciidamada booliska Cali Dhuux Mahad Alle, ayaa sheegay ineysan awood u laheyn dagaalada ka dhacaya deegaanka Deefow iney joojiyaan sida uu sheegayna dowlada ay ka gaabisay wax ka qabashada dagaalada Deefow.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News