Muqdisho (Caasimada Online) – Warar cusub ayaa sheegaya in guddoomiye Muungaab uu qarka u saaran yahay in xilka gobolka Banaadir si rasmi ah looga qaado, kadib markii ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu kusoo biiray ololaha ka dhanka ah.
Illo ku sugan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh loogu baaqay inuu xilka si dhaqso ah uga qaado Muungaab, si is-beddel wanaagsan oo dhanka amniga iyo bilicda loogu sameeyo Muqdisho.
Cumar Cabdirashiid, ayaa sida la sheegay waydiistay Xasan inuu helo qof kale oo beddela Muungaab, ayada oo si gaar ahna loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Amerika, oo u dhashay gobolka Banaadir.
CCC ayaa la sheegayaa inuu rabo in maamulka gobolka Banaadir uu la jaanqaado hosha xukuumadiisa cusub, ee doonaysa inay dalka ka hergeliso doorasho guud marka la gaaro 2016.
Madaxweynaha ayaa ayaa ka fekeraya hadda baaqa CCC lamana oga go’aanka uu qaadan doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

