28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

SHIRKII maamulka GOBOLLADA DHEXE oo isku beddelay Xasan Sh. vs Odayaasha 9ka beelood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka dib u heshiisiinta iyo maamul sameynta Gobolada dhexe oo haatan ka socda Magaalada Dhuusamareeb ayaa qeybtiisii koowaad ee dib u heshiisiinta waxay maraysaa heer gebogebo ah.

Odoyaasha Marjaca dhaqanka Gobolada dhexe ayaa sheegay inay iyagu go’aansadeen in qeybta 2-aad ee shirka maamul sameynta lagu qabanayo Dhuusomareeb, iyaga oo sheegay inaysan aqbaleyn in Dawladdu go’aano siyaasadeysan dusha uga keento maadaama dalku yahay Federaal taladda maamul sameynta iyagu leeyihiin.

Kooxda Damujadiid oo uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inay wajahayaan Khilaaf ba’an oo uga imaanaya Odoyaasha dhaqanka Gobolada dhexe, odoyaashaas oo ku diidey rabitaanka Kooxda ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khilaafka ayaa salkiisu yahay odoyaasha dhaqanka Gobolada dhexe oo doonaya in looga danbeeyo talada Maamul sameynta Mudug iyo Galgaduud halka kooxda Damujadiid dooneyso iyada oo isticmaalaysa magaca dawladnimada Soomaaliya in Maamulkaa madax uga dhigto shaqsi Madaxweyne Xasan Sheekh isku haleyn karo oo doorashooyinka la filayo in la qabto sanadka 2016-ka u codeeya xisbiga Damjadiid ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Beesha Caalamka ayaa isha ku heysa xaaladda iyo qorshaha Maamul sameynta Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa ayaa go’aansaday in labo arin midkood helaan, labadaas arin oo kala ah Dawladaha loo dhisayo Gobolada Dhexe iyo Hiiraan/Shabeelaha Dhexe u dhiibtaan shaqsiyaad ku fikir ah oo ay isku haleyn karaan doorashada 2016-ka, haddii taas la waayana carqaladeeyaan Hawlaha Maamul sameynta 2-da Dawlad Goboleed oo dhiman si sanadka 2015-ka u dhamaado iyada oo aan maamuladaa dhismin kadibna caalamka ka codsadaan in 2-sano loogu daro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadaba.

Si kastaba Ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si hoose ugala hadlaya xubno kamid ah Baarlamanka Soomaaliya in waqtiga wada kororsadaan taas oo baarlamaanku u arko mid dani ugu wada jirto balse beesha Caalamka iyo Xafiiska UNSOM ee uu hogaamiyo Nicholas Kay ayaa si cad u sheegay inaysan jiri doonin waqti kordhis loo sameeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News