28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dowladda SOMALIA oo markii ugu horreysay ka hadashay darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha DF Somalia u fadhiya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko, ayaa si kulul uga hadlay go’aanka ay Dowlada Kenya kaga dhabeyneyso dhismaha Derbiga kala beyra Xadka Somalia iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in ka Safiir ahaan uu arrintaasi ka maqlay banaanka, balse uusan wergalin ilaa iyo iminka ka helin Dowlada Kenya maadaama ay xad wadaagan.

Amb. Maxamed Cali Ameeriko, ayaa Tilmaamay in Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, isla markaana ay wadaagaan xogaha, waxaana uu sheegay inay raali ka noqon doonin falalka amni dari iyo weerarada ka dhacaya gudaha Kenya.

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in DF Somalia ay waajib ka saaran tahay inay ilaalisato xuduudeeda, balse aan lagu soo wargalin taasina ay tahay xiriirka Somalia oo la xumeynaayo.

Dhanka kale, waxa uu go’aankaani Kenya imaanayaa kadib markii Wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya uu sheegay in todobaadka soo socda ay ka dhisayaan inta u dhaxeysa Mandhera iyo Beled-Xaawo darbi weyn, si looga hortago falalka amni dari, isagoo xusay in darbigaas uu yeelan doono albaab laga baxo, lagana galo Mandhera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News