25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Faah-Faahinno dheeraad ah oo kasoo baxaaya dagaalka ka socda deegaanka Deefoow (XOG)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal u dhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beeleed oo mar kale dib uga qarxay Deegaanada Deefow iyo Kabxanleey.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dagaalka uu geystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira kaasi oo soo kala gaaray labada garab ee uu dagaalka u dhexeeyay.

Goobjooge ku sugan deegaanka Deefoow oo dagaalkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Xili dambe oo xalay ayuu bilaabtay dagaalka ilaa iyo hada waxaa dhacaayo rasaas xoogan, waxa ayna labada dhinac isu dalbanayaan gurmad”

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in indhihiisu uu ku arkay meydad kor u dhaafayo ilaa 9 ka kala tirsan labada dhinac.

Dhanka kale, Odayaasha dhaqanka ayaa wado dadaalo lagu xalinaayo dagaalka, inkastoo ay muuqaneyso ifafaalooyin muujinaayo guul daro Odayaasha iyo Maamulkaba ka heysta dhankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News