Ahlu-Sunna & Jabuuti oo dagaal qarka u saaran

Matabaan (Caasimada Online) – Waxaa wali xiisad ay ka taagan tahay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, taasi oo u dhaxeyso ciidamada dowlada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidamada ururka Ahlu sunna ee ku sugan degmadaasi.

Xiisada ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Ahlu sunna ay is hortaag ku sameeyeen ciidamada dowlada Jabuuti oo doonayay iney tagaan magaalada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa kasoo horjeeda in ciidamada dowlada Jabuuti ay tagaan magaalada Cadaado halkaasi oo la filayo inuu ka dhaco shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Ahlu sunna ayaa ku andacoonaya inaan laga talo siinin dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sidaasi daraadeedna ay ka soo horjeedaan ciidamada Jabuuti iney sugaan amaanka magaalada Cadaado oo uu shirka ka dhacayo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay ineysan marnaba ciidamada Jabuuti ka gudbi doonin degmada Matabaan ilaa maamulkooda laga qeyb galiyo dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

La soco xiisada waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com