Khilaaf hor leh oo ka taagan SHIRKA CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf hoosad weli ka dhextaagan Odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan uu xaliyay inta badan Khilaafka u dhexeeyay Odayaasha balse inta ka harsan uu u wakiishay Xubno ka kala tirsan Villa Somalia iyo labada Gole ee DF Somalia.

Shuruud uu ku furmay shirka ayaa ahaa in inta uu socdo shirka xal laga sii gaarayo Khilaafka, islamarkaana Ergooyinka ay sii wadanayaan shirarkooda, waxaana iminka muuqanaayo Khilaafyo hoosaad oo si qarsoodi ah loo xalinaayo.

Xubin ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa inoo xaqiijiyay in weli ay ka biyo diidan yihiin Siyaasadaha uu la dheelayo Madaxweyne Xasan, waxa uuna tilmaamay in shuruuda ay ku ogolaaden furitaanka shirka uu ahaa in shirka uu barbar soconaayo xal ka gaarista Khilaafka ka taagan halka laga dhigaayo Caasimada Maamulka uu dhismihiisu socdo.

Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa in Ergooyinka qaar ay ka maqan yihiin shirka taasina ay ugu wacan tahay Khilaafka, waxa uuna meesha ka saaray in go’aankooda uu yahay mid khaldan.

Dhanka kale, furitaanka Shirka ayaa u muuqanaaya mid lagu qancinaayo Beesha caalamka balse Khilaafka uu weli taagan yahay islamarkaana Maamulka Cadaado uusan waxba iska bedelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com