HABAR-GIDIR oo ku kala qeybsantay CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu weli taagan yahay Khilaafka ka dhexeeya Maamulada Cadaado iyo Dhuusamareeb, ayaa waxaa furitaanka shirka Cadaado ku kala qeybsamay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Habar-gidir.

Kulamo gaar gaar ah oo ka kala dhacay Magaalada Muqdisho, Cadaado iyo Dhuusamareeb oo u dhexeeyay labada dhinac, ayaa waxa ay qeyb kaga soo horjeesten Shirka, halka qeybta kalane ay ka taagereen go’aanada Madaxweyne Xasan.

Odayaal iyo Siyaasiyiin taageersanaa Garabka Dhuusamareeb ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu ku furmay shirka iyo kan uu qaatay Madaxweyne Xasan ee Caasimada looga dhigaayo Magaalada Dhuusamareeb.

Waxa ay tilmaamen in go’aanka Madaxweyne Xasan uu yahay mid muhiim ah qaadashadiisa, waxa ayna garabka Cadaado ku dhaliilen qaadacaada amarka Madaxweyne Xasan.

Waxa ay ku caga jugleeyen inay faarujin doonaan gabi ahaan Hoolka shirka hadii wax laga bedelo go’aanka uu horay u qaatay Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Odayaal taageersan go’aanka Maamulka Cadaado ayaa dhankooda ka diiday in Caasimada laga dhigo Dhuusamareeb, waxa ayna kulamadooda ku shaaciyeen inay hakin doonaan shirka waa haddii aan go’aan laga gaarin hadalka Xasan Sheekh ka hor inta uusan dhamaan shirka.

Geesta kale, Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlusunna,Sheekh Ibraahin Sheekh Xasan (Guureeye) oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay isaga baxeen shirka ka furmay Cadaado.

Wuxuu sheegay in sababta ay uga baxeen ay tahay waxyaabo badan oo ay ka tabanayaan dowlada dhexe ee faderaalka oo an wali la sixin,ilaa la saxana ay banaanka ka joogi doonan shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com