Afhayeenkii Gobolka Banaadir oo xil ka qaadis lagu sameeyey & mid cusub oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab , ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Afhayeenka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax Seeko.

Wareegto goor dhow kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha, ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabay Afhayeen cusub oo uu yeelanaayo Maamulka gobalka Banaadir.

Afhayeenka cusub ayaa lagu magacaabaa Cabdifitaax Cumar Xalane, waxaana uu sidoo kale yahay agaasimaha waaxda warfaafinta maamulka gobalka Banaadir.

AKHRISO WAREEGTADA
Agaasime-Xalane1