VIDEO: Sheekh Soomaali ah oo shahaaddada u qabtay 14 qof oo Mareykan ah oo soo islaamay

Minneapolis (Caasimada Online) – Maalin walba waxaa soo kordhaya dadka Madowga iyo Caddaanka isugu jira ee u dhashay dalka Mareykanka ee doonaya in ay kusoo biiraan Diinta barakeysan ee Islaamka.

Sheekh Saciid Raage oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay in 14-qof isu diyaariyeen noqoshada dad Muslimiin ah waxaana isla goobtii Ashahaadada loogu qabtay qaar ka mid ah dadkaan soo Islaamay oo aad ugu faraxsan qaadashada Diinta Islaamka