Xeer ilaaliyaha qaranka oo soo bandhigay HANTI qaran oo loogu deeqay shaqsiyaad + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowraha Qaranka DF Somalia ayaa isku raacay in dad shacab ah ay awood ku heystaan hanti ay leedahay DF Somalia oo la sheegay inay mudneyd in Qaranka loogu adeego.

Waxa ay sheegen in Hantidaasi ay heystaan dad khaas ah, balse waxa ay tibaaxeen inay qaadi doonaan talaabooyin sharciga waafaqsan, si hantidaasi dib loogu soo celsho Qaranka.

Waxa ay si wada jir ah u tilmaamen in Hantidaasi qaarkood la siiyay shaqsiyaad ka tirsan DF, halka qaarna ay heystaan dad shacab ah oo ku jiifa dhabar libaax.

Hantida qaranka ee la sheegay in la bixiyay waxaa kamid ah Iskuulo, Kaalimo shidaal, Isbitaalo iyo dhul xeebeed.

Iskuuladii qaranka ee la bixiyay waxaa kamid ah Iskuulka buulotikniko, Iskuulkii Yuusuf al-Kaynoon, Iskuul banaadir, Iskuulkii Yaaqshiid, Xanaanada, iskuulkii badda.

Dhanka kale, Xeer ilaaliyaha Qaranka wuxuu sheegay in hantidan qaranka lagu bixiyay saxiix dowladeed, balse aysan taasi ka turjumeynin in faraha looga qaado, waxa uuna sheegay inay ka dabatagi doonaan dhawaanahaani.

Waxaa iminka socda baaritaan heer gabagabo ah, waxaana la filayaa in baaritaankaasi uu kasoo baxo natiijo miro dhal leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com