“Tiro koob ku sheega uu soo saaray C/RAXMAN CEYNTE waa mid ummadda iska hor keenaya”…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Xuseen Cali Shadoor oo ah aqoonyahan cilmiga tira-koobka (statistiek) kaga soo baxay dalka Talyaaniga, ayaa ku gacan seyray tira-koobka ay soo saartay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Soomaaliya, tira koobkaas oo lagu sheegay sahan qiyaas ah, laguna cabiray tirada dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dr. Xuseen oo wareysi siiyey Yoobsannews, wuxuu ku dooday in sida keliya ee lagu ogaan karo tirada dadka in ay tahay in dadka hal hal loo tiriyo, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in aysan suurtagal aheyn in ummadda la hor keeno wax la leeyahay qiyaas ayaa lagu sameeyey.

“Tiro koob ku sheega uu soo saaray Wasiir Ceynte waa mid iska hor keenaya ummadda Soomaaliyeed; dadka waxaa lagu kala soocaa hal hal in loo tiriyo, (satelliet) waxaa lagu tirin karaa dadka bannaanbaxa sameynaya ee dad Magaalo degan laguma tirin karo; waxaan u fahmayaa in ujeeddo gaar ah laga leeyahay arrintaa” Ayuu yiri Dr. Shadoor, wuxuuna intaa ku daray in xilligan oo Soomaalidu kala diday, ayna is boqna goyneyso in halkii lagu mashquuli lahaa wax la ogyahay in Soomaalidu aaney isu fikir ka aheyn in loo baahan yahay in miisaanka loo badiyo waxa ay Soomaalidu isku fikirka ka qabto.

Dr. Xuseen mar uu ka hadlayey tirada Gobolada qaar dadka ku nool inay u dhowdahay tirada & caasimadda, sidaasoo ay tahayna Goboladii loo sed-buriyey in ay qeylinayaan.

“Waxaan ognahay oo xaqiiqo ah, Soomaali baddanna ay igaga marag fureysaa in dadka ku dhaqan Puntland 65-ilaa 70% ay yihiin ajnabi & Soomaali ka timid Koofurta, ajnabigaas waxeey u badan yihiin Oromo waxeeyna ku dhaqan yihiin laga billaabo Gaalkacyo ilaa Garowe, waana dadka meesha ka shaqeysta oo shaqooyinka hoose oo dhan iyaga ayaa qabta, Soomaalida Koofurta ka timid waxeey isugu jiraan 2 nooc; qaar iyaga oo u tegay in ay ka sii tahriibaan ayeey meesha kaga banjartay, kuwa kalena shaqo iyo nolol dhaanta tii ay ku haysteen Magaalooyinkii ay ka yimaadeen ayeey u doonteen Puntland, marka tiro koobka la sameeyey dadkaasi ma waxeey noqonayaan dad u dhashay Puntland.?” Ayuu is-weydiiyey Shadoor, wuxuu intaa raaciyey in Dowladdu haddiiba ay soo bandhigeyso in waxaasi noqdaan wax la soo jilciyey o xaqiiqda ku fadhiya.

“Sh/dhexe dadka ku dhaqan yaa ka dad badan.? Sh/dhexe & Hiiraan waa Gobolada keliya ee Soomaaliyeed ee shacabka Soomaaliya ugu badani ay degan yihiin; Soomaaliya markii ay doorashooyinka ka dhici jireen Gobolada hadda Puntland loo yaqaan oo la oran jiray Majeerteeniya 6-ilaa 7kun qofood ayaa ka codeyn jirtay halka Xamar boqolaal kun ilaa Milyan qofood ka codeyn jireen warbixinta hadda la soo saaray waxeey isu soo dhoweyneysaa Xamar & Puntland, taasna suurtagal ma ahan” Ayuu yiri Shadoor, wuxuuna intaa ku daray in tiro ahaan dadka ku dhaqan Sh/dhexe in ay ku 2 jibaarmaan dadka deegaanka rasmiga ku ah Puntland.” Ayuu yiri Dr. Xuseen Cali Shadoor, wuxuuna intaasi sii raaciyey:

“Gaalkacyo marka aad ka dhaqaaqdid ilaa Burtinle waa lama degaan, halka marka aad Muqdisho ilaa Beledweyne isaga goosheysid aad arkeyso tuulo kasta in ay camiran tahay oo dadka noloshoodii ayaa ka muuqata, balse Puntland dadka waxeey isugu tageen Magaalooyinka waaweyn, waana dhul lama degaan ah.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com