Xog: Halkee ayey ku danbeeyeen 2-dii gabdhood ee mataanaha Soomaalida ee DAACISH ku biiray

Mosul (Caasimada Online) – Salma Axmed Halane iyo Zahra Ahmed Halane oo 17-jiryaal ah ayaa la sheegay inay bartanka kaga jiraan Ololaha Shabakadaha Warbaahinta ee isku xira Dadka ee Social Media,

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay inay Matanayaashaasi oo bishii July ee sannadkii hore ka ambabaxay magaalladda Manchester ee dalka Britain ay iminka u xil saaran yihiin sidii ay Warbaahinta Bulshadda ugu tashkiilin lahaayeen gabdhahasi ay ugu soo biiraan Dagaalamyaasha Daacish.

Salma iyo Zahra waxay inta badan Tashkiilinta u adeegsadaan Aaladaha Twitterka iyo Instagramka.

Warbixinta u dambeysay ee ay soo saareen Machadka Istaraatijiyadda Wada Xaajoodka “ The Institue for Strategic Dialogue” ee magaalladda London iyo Kolejka King’s College London, waxay sheegeen in Mataanayaasha ay adeegsanayaan Borobagaando si ay gabdhaha Muhaajiriinta ah u soo gaaraan Xuduudka Dagaalamayaasha Daacish.

Hadalladda Mataanayaasha ayaa ka mid ah daraasaad loogu magac daray Ilaa shahiidka nala sameey annaga, waxaana la sheegay in Halqabsigaasi si Online loogu tashkiiliyey in ka badan 100 haween Reer Galbeed ah, kuwaasi oo ku biiray Daacish.

Mataanayaasha u dhashay oo iyagu bishii July ka soo tegay hoygooda, iyagoo noqon lahaa Dhakhaatiir ayaa la sheegay inuu si Online ah ugu ku tashkiiliyey Walaalkooda oo isagu sannadkii 2013-kii ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Syria.

Walaalkooda ayaa la rumeysan yahay inuu haatan ku nool yahay dalka Denmark, iyadoo ay Dowladda Britain u diiday inuu dalkeeda soo galo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com