Hubkii DF SOMALIA oo si sharci darro ah loogu kala iibsanayo wadooyinka Muqdisho (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wadamada saaxiibada la’ ah Somalia ay DF ku garabsiinayaan Hub iyo gaadiid ayaa waxaa hadana muuqaneysa in Hubkaasi siyaabo kala duwan loogu kala iibsanaayo suuqyada qarsoon hubka lagu iibiyo ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Qoryahaani loogu yaboohay Dowlada ayaa iyagu ah kuwa si sharci daro ah loogu iibiyo suuqyo qarsoodi ah oo ay ku shaqeystaan ganacsatada hubka ka macaasha kuwaasi oo iyagu la aaaminsan yahay qoryahaasi lacago jaban uga iibsada Ciidamada aan lasiin xuquuqdooda ee kaa gadooday DF.

Sidoo kale, suuqyada ayaa waxaa si taa lamid ah ugu arkeysaa Bastoolado casri ah oo deeq ahaan loo siiyay Dowlada Somalia si ay u adeegsadaan Taliyayaasha Ciidamada hayeeshe waxaa iyana si qarsoodi ah loogu iibgeeya suuqyadaasi.

Bastooladaha casriga ah ayaan lagu bixin qaabkii loogu talo galay oo aheyd in loo qeybiyo Saraakisha iyo Ciidamada, waxaana si qarsoodi la’aan hubkaasi u iibsada Taliyayaasha laamaha amaanka oo iyagu ka faa’iideysanaaya wakhtiga yar oo ay xilkaasi hayaan.

Dhacdadaani ayaa waxaa ay ka turjumeysaa dhibaatada lagu hayo Ciidamada Qaranka ee iyagu saaxiibka u ah mushaar la’aan, daryeel la’aan iyo in lagu tagrifaalo xuquuqdooda aadamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com