26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Layaab maanta ka dhacay shirka Cadaado kadib markii ergadi ka qeyb galeysa loo qeybiyey….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Cadaado  ayaa sheegaya inuu bilowday wejigii labaad ee shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe iyadoo ergooyinkii shirka ay ka qeyb galeen xilli ay dibadda joogaan ergooyinka dhowr beelood oo diidan qaabka wax loo qeybiyay.

Kulankii ugu horeeyay ayaa ka furmay hoolka shirarka ee madaxtooyada Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaana ergada loogu qeybiyay qorshayaasha horyaala oo ay tahay inay ka doodaan.

Guddoomiyaha guddiga farsamada Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa ugu horeyn shirka furtay, iyadoo u yeerisay ergada waxyaabaha ay qaban doonaan.

Waxay u sheegtay in ergadu todobaadkan oo dhan ay ka doodi doonaan qabyo qoraalka Dastuurka KMG ee maamulka Mudug iyo Galgaduud, lagana rabo inay ansxiyaan.

Waxay kaloo ka dhawaajisay in arrimaha laga soo gudbay aan laga hadli karin sida in maamulku noqonayo Gobol iyo Bar iyo inuu yahay laba Gobol, arrintan oo ergada shirka su’aalo badan ka keeneen.

Guddiga farsamada oo horeba ay u hareeyeen eedeymo kala duwan ayaa hadda u muuqda inuu dusha ka hagayo shirka oo ergada aanay lahayn awood ay wixii ay doonaan uga doodi karaan, waxaana jiritaanka guddiga u muuqdaa inuu noqon doono mid aan dhammaansho lahayn iyadoo la filayay in Guddigu xilkiisa ku dhammaado marka ergada shir guddoon yeelato oo wejiba labaad ee shirka la guda galo.

Guddiga farsamada ayaa hadda la filayaa inuu xilkiisu sii socda ilaa Baarlamaanka laga xulayo oo Baarlamaankaasina uu guddoon dooranayo, lagana yaabee in awoodiisu markaas kadib sii jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News