XOG: Xaaladda caafimaad ee FAARAX C/QAADIR

Istanbul (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa naga soo gaaraya xaaladda caafimaad ee wasiirkii hore ee caddaaladda iyo arrimaha garsoorka dowladda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ilo-wareedyo muhiim ah oo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Faarax Cabdulqaadir uu ku sugan dalka Turkiga, halkaasi oo loogu sameeyey qalliin dhinaca caloosha ah.

Ilo-wareedyada qaaar ayaa sheegaya in qaliinka lagu sameeyey Faarax uu ka dhashay xanuun dhinaca mindhicirada ah, halka kuwa kalena ay sheegayaan in buro weyn ay caloosha uga soo baxday. Si kastaba, waxa ay si isku mid ah isugu raaceen qaliinka lagu sameeyey.

Qaliinka Faarax oo dhacay muddo ka badan bil iyo bar ka hor, ayaa si wanaagsan u dhacay taasi oo keentay inuu kusoo laabto magaalada Qaahira, oo qoyskiisa ay degan yihiin. Si kastaba, xanuun lama filaan ah oo deg deg uga qabtay meeshii qaliinka looga sameeyey, ayaa keenay in laba toddobaad ka hor deg deg mar kale loogu celiyeo dalka Turkiga. Waxaa la sheegayaa in xaaladdiisa caafimaad ay iminka wanaagsan tahay, uuna dib ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho dhowaan.

Faarax C/qaadir oo dad badan ay rumeysan yihiin inuu yahay qofka ugu sarreeya ee go’aamiya siyaasadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaan in muddo ah lagu arag masraxyada siyaasadeed iyo Villa Somalia.

Dhinaca kale, wararka qaar ayaa sheegaya in Faarax uu si aad ah ugu carreysan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tabanaya inuusan si wanaagsan u garab istaagin markii uu weynayey xilkiisa wasiirnimo, uuna si joogto ah ula soo xiriirin intii uu xanuunsanaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com