Sidan aan horey u sheegnay, Xasan Sh. oo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u amba baxay dalak Koonfur Afrika, halkaasi oo dhawaan uu ka furmi doono shirka hogaamiyeyaasha Midowga Afrika.

Caasimada Online ayaa xogta socdaalka Xasan Sheekh sii shaacisay laba maalmood ka hor. Halkan ka aqri

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasaaradda Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-jiir, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo masuuliyiin kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys oo Warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay dalka Koonfur Afrika uga qeyb geli doonaan shirka hogaamiyeyaasha Midowga Afrika, kaasi oo ay horyaalaan arrimo badan oo xaaladda Qaaradda Afrika ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com