Shirka Cadaado oo mar kale hakaday iyo beesha Cadaado oo awood adeegsaneysa + Shuruudo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in mar kale uu hakat galay shirka ka soconayo Cadaado.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa goordhow sheegay in shirka uu istaagay ilaa laga xaliyo cabashadooda ku aadan helida Xuquuqo ay sheegen inay ka maqan yihiin.

Shuruuda lagu furi karo shirka la hakiyay ayay ku sheegen kaliya inuu yahay in laga qanciyo tabashooyinka ay u gudbiyeen Gudiga Farsamada Maamulka shirka, iyagoona ku goodiyay in shirka uu sii xirnaan doono waa hadii aan la fulin dalabkooda.

Mas’uul ka tirsan DF oo ku sugan Madasha uu shirka ka socdo, ayaa sheegay in arrimaha ay ka cabaneyso Beesha Cadaado ay ka mid tahay in aysan ka helin Ergada xubno ku filan, in Caasimada iyo Madaxtinimada Maamulkaba aysan wax ku laheyn taasina ay soo dadajisay go’aankaasi.

Sidoo kale, Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku hanjabay in la kala eryin doono Ergooyinka Shirka qeybta ka ah islamarkaana aysan mas’uul ka ahaan doonin amaankooda.

Go’aankaani cusub ayaa waxa uu caqabad hor leh ku noqonayaa wakhtiga loogu talo galay inuu dhamaado shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com