25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Arag Sawiro: Axmed Madobe oo dhisanaya xabsi weyn oo lagu jir dilo dadka isaga kasoo horjeeda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa dhagaxdhigay dhismaha xabsiga ugu weyn Jubbooyinka kaasi oo laga dhisayo xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta maamulka Jubba.

Xabsiga ayaa loogu tala-galay in lagu xiro oo lagu jir dilo dadka degan Jubbooyinka ee kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Xabsiga waxaa dhagax dhigay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/qaadir X.Maxamuud Lugadheere, kaasi oo laga dhisayo meel aan ka fogeyn magaalada Kismaayo ee gobolada Jubbada Hoose.

C/qaadir Lugadheere ayaa hadal uu ka jediyay dhagax dhiga xabsiga ayaa sheegay in xabsigaasi uu noqon doono mid dad badan qaadi kara

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha xabsigaan ayaa waxaa iska kaashanaya ganacsatada reer Jubbaland iyo Maamulka, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenka ugu baaqay jaaliyada Jubbaland inay ka qayb qaataan dhismaha xabsigaan.

Maamulka Jubbaland ayaa xilligaan u muuqda mid hor mar ka sameynaya deeganada Maamulkaasi, xilli ay jiraan caqabado kala duwan oo Maamulka uu la kulmaayo.

9 10 12 33 42 62 72 81 111

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News