25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xildhibaanada Xawaadle oo waqrad ay u direen Xasan ku cadeeyey go’aankooda (Aqri warqada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ay kaga hadlayaan qaabka ay doonayaan inuu noqdo dhismaha maamulka Hiiraan.

Warqad qoraal ah oo Caasimada Online ay heshay ayaa waxaa ku saxiixnaa ku dhawaad 8 xildhibaan oo uu kamid ahaa xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ahaa wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu aqbalo in gobolka Hiiraan uu noqdo maamul gaar ah oo hoos taga dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya, sida ku cad qoraalka xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Waxay sidoo kale ku sheegay warqada in marar badan dowlada Soomaaliya u gudbiyeen dalabkooda ku aadan qaabka uu noqonayo dhismaha gobolka Hiiraan, laakiin aysan jawaab ka helin Xasan Sheikh maxamuud.

Qoraal_Xildhibaanno

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News