Ciidamo baadi goobaayo Gudoomiyaha Gaarisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo farabadan ayaa Magaalada Gaarisa ka baadi goobaayo Gudoomiyaha Gaarisa Nadiif Jaamac Aadan oo dacwad heer Qaran ah loo heysto.

Dacwad ooge magaciisa lagu sheegay Keriako Tobiko, ayaa Ciidamada ku amray inay soo xiraan Gudoomiyaha kadib markii lagu helay cadeymo muujineysa inuu faragalin iyo musuq-maasuqba ku sameeyay gaadiid loogu yaboohay Maamulka.

Dacwada ayaa ah mid la xiriirta in Nadiif Jaamac Aadan uu lunsaday Gaadiidkii Ambalaasta aheyd ee loogu deeqay Isbitaalada Dowlada ee ku yaalla Magaalada Gaarisa, waxaana musuqaasi la socday Dawooyin loo qeybin lahaa Isbitaalada.

Gudi loogu magac daray Gudiga la-dagaalanka Musuqa ee Kenya ayaa soo bandhigay qoraal lagu eedeynayo Gudoomiyaha Gaarisa inuu si shaqsi ah u kireysto gaadiidka ambalaaska ee bulshada loogu adeego, waxa ayna taasi dhalisay baadi goobkiisa.

Dhowr jeer sii horeysay ayaa waxaa Musuq-maasuqa ka taagan dalka Kenya ka qeylshay Madaxweynaha Kenya oo dhowr mas’uul musuqa awgii xilka uga ceyriyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com