Video: Shariif Xasan oo ku fadeexoobay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan oo baryahaani dambe howlo shaqo u joogay Magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxa uu beesha caalamka kala kulmay Fadeexad culus.

Shariif Xasan oo inta uu joogay Magaalada Addis ababa kulamo kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Ethiopia iyo Xubno kale oo ka socday Beesha caalamka oo daneynaayay Arrimaha Koonfur Galbeed Somalia, ayaa waxa Shariif Xasan laga waayay adeegsiga luqadaha inta badan looga hadlo Caalamka.

Shariif Xasan oo ay Xubnahaasi wax ka weydiyeen inta luqadood oo uu yaqaano ayaa waxaa afkii juqda gabay kadib markii uu garan waayay Eray kamid ah luqada Englishka iyo luqadaha kale.

Shariif Xasan ayaa ku jawaabay inuusan garaneynin Luqadaha aduunka looga hadlo, balse kaliya uu garanaayo Luqada Soomaalida.

Xubnaha ka socday Beesha Caalamka ayaa iyagu ahaa kuwo doonaayay in Shariif Xasan ay la qaatan kulan khaas ah oo aan goobjoog ka aheyn xubin ka socta Maamulka Koonfur galbeed, hayeeshee nasiib daro awgeed waxaa lagu qasbanaaday in kulanka laga soo qeybgalsho Turjumaan.

Shariif Xasan ayaa fadeexad kala kulmay Xubnahaasi waxa ayna kula taliyeen inuu xooga saaro barashada Luqada Englishka.

Dhanka kale, Dowlada Ethiopia ayaa ku dhibqabta Shariif Xasan xiliyada ay kala arrinsanayaan arrimahooda gaarka ah, bacdamaa uusan aqoon luqada Englishka, taasi oo qasab ka dhigeysa inay dad kale joogaan goobta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com