Xasan Sh. oo ka niyad jabay shacabka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si aad ah uga niyad jabay ficiladii ay ku kaceen Shacabka Puntland.

Shacabka Magaalada Garoowe ayaa wax u dhimay sumcada Madaxweyne Xassan, kadib markii ay suuradiisa ku garaacen dacasahooda islamarkaana laaden, taasi oo Xassan Sheekh niyad jab ku beertay.

Madaxweyne Xassan oo ku taamayay inuu mugdiga u dhexeeya DF Somalia iyo Maamulka Puntland meesha ka saaro, ayaa waxaa hadana dhacay in Maamulka Puntland ay dhaqaale ku bixiyaan shaqsiyaad wax u dhimaayo Sumcadiisa kuwaasi oo lagu baraarujiyay inay kabahooda ku garaacan sawirka.

Sidoo kale, Banaanbax kale oo maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu sameeyay ficilkii ka dhacay Magaalada Garoowe ee ahaa Kabo lagu garaacay Sawirka Madaxweynaha, taasi oo muujineyso kalsooni darada ay ku beerayaan Reer Puntland Madaxweyne Xassan.

Ficiladaasi ayaa ka turjumaayo heerka uu Madaxweyne Xassan ka gaarsiisan yahay dhanka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku hoos nool Deegaanada Maamulka Puntland oo iyagu laaday kalsoonidii kala dhexeysay DF Somalia.

Xassan Sheekh ayaa inta badan lagu xantaa inuu burburiyay nidaamkii lagu maamulaayay Somalia si uu u raali galiyo Madaxweynaha Maamulkaasi iyo shacabkiisa, hayeeshee waxa uu taasi bedelkeeda helay abaalmarin ah in kabaha lagu garaacay.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa ka argagaxay goortii uu daawaday Filim laga soo qaaday Muuqaalkiisa oo lagu garaacaayo Dacas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com