R/W CC oo kasoo tagaya Garoowe kaddib marki..

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya maanta la filayo inuu ka tago magaalada Garowe oo uu maalmahaan ku sugnaa.

Sida dadka xog ogaalka ay sheegayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta tagaya magaalada Qardho ee gobolka Karkaar oo ay sameysteen maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay u tagayaan magaalada Qardho iney kaga qeyb qaataan farxada ciidul Fidriga, sidoo kale waxay la kulmi doonaan  boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno magaalada Garowe aya sheegaya in wadahadalada seddex geesoodka ahaa ee ka socday magaalada Garowe uu fashil ku dhamaaday, maadaama seddexda dhinac isku fahmi waayeen qodobada qaar ee laga shirayay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa farxada ciida kaga qeyb qaadan doono magaalada Qardho halkaasi oo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ku sugan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com