Dhageyso: Dr. Baadiyow oo toban daqiiqo kusoo koobay fashilka hoggaanka dowladda federaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxman Cabdullahi Baadiyow oo kamid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed kana mid ahaa xubnihii u tartamay xilka Madaxweynaha ayaa wareysi uu bixiyey si xirfadeysan 10 daqiiqo in ka yar kusoo koobay fashilka ku dhacay dowlada Federaalka Soomaaliya iyo sababta keentay.

Dr. Baadiyow ayaa wareysigiisa kusoo sheegay in si ulla kac ah ummada Soomaaliyeed wakhtiga looga dhumiyey, isagoo ku eedeeyey hogaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ay doonayaan inay dhisaan koox dooneysa inay dalka Soomaaliya ku qabsato si Kali-Talisnimo ah.

Wuxuu sheegay in fashilka ah in aan xiligan dalka laga qaban karin Doorasho ay tahay mid ay si gaar ah eedeeda u qaadayaan hogaanka dalka oo uu sheegay inuu ka shaqeenayey inuusan dhisin jawi iyo nidaam ay doorasho ku dhacdo, balse ku mashquuleen xubnaha Villa Soomaaliya fadhiya sidii ay ku dhisi lahaayeen koox awood dalka kaligeed la wareegta, walow uu Dr.Baadiyow sheegin magaca kooxdaasi balse waxaa la filayaa inuu ka wado kooxda Damul-Jadiid oo si toos ah ulla wareegtay awoodii dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ku baaqay Dr.Baadiyow in marka hore hogaanka Federaalka qirtaan fashilkooda kadibna ummada Soomaaliyeed ay go’aan mideysan ka qaadato sida looga gudbayo sanadka 2016 marka uu dhamaado wakhtiga dowlada xilka heysa.

Halkan ka daawo wareysiga oo dhameystiran:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com