Puntland oo Jawaab cad siisay Galmudug (Aqri)

Garowe (Caasimada Online)-Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa ka jawaabay eedeymaha maamulka Puntland uu kala kulmayay maamulka Galmudug ee ku aadan iney taageeraan Ahlu sunnada gobolada dhexe.

Wasiir Soocade, ayaa sheegay ineysan jirin wax hubeyn ah oo ay sameeyaan si ay kaga horyimaadaan maamulka Galmudug, maadaama madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug uu sidaasi sheegay.

Waxa uu xusay in Puntland marnaba aysan colaad ka abuureynin dadka ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in warka kasoo yeeray Galmudug uusan aheyn mid xaqiiqo ah.

“Annaga waxaan kuu sheegayaa ma jirto cid aan hubeyno walaa beel ayaan hubeynin, walaa koox kale, Galmudugna annaga colaad kuma nihi”ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Warsaxaafadeed dhawaan kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu hubeynayo ciidamada Ahlu sunna ee gobolada dhexe si ay colaad kagala hortagaan maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com