XASAN oo la kulmay xildhibaannada mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu kulan gaar ah la qaatay tiro Xildhibaano ka tirsan Mooshin wadayaasha BF Somalia.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadaasi ka codsaday inay ka baxaan Mooshinka oo ay saaxiibadooda ka dhaadhiciyaan inay la fadhiistaan islamarkaana xal hoosaad lagu dhameeyo Khilaafka dhaliyay Mooshinka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale Xildhibaanada hordhigay inuu u ogolyahay inay sii jiraan wakhtiga ay sii jireyso Dowladiisa islamarkaana la baabi’in doono nidaamka lagu soo dhisi lahaa Baarlamaan cusub, waxa uuna usoo jeediyay dhanka kale inay si hoose uga wada xaajoodan Mooshinka oo waxbadan leysla fahmo.

Xildhibaanada oo ka didsan Siyaasada Xassan Sheekh ayaa waxa ay Madaxweynaha u sheegen in ujeedkooda uusan aheyn inay wakhti ku darsadaan Jiritaankooda ama ay ka tanaasulaan balse mowqifka uu yahay mid ka duwan sida uu isaga moodo.

Waxa ay sidoo kale Madaxweynaha u sheegen in arrimaha khuseeya Mooshinka aysan kala hadli karin, sababtuna ay tahay mid la xiriirta go’aan horay ay u wada gaaren una baahan inuu kala xaajoodo arrimahaasi gudiga sare ee Xildhibaanada Mooshinka ku mideysan.

Madaxweyne Xassan ayaa ku hingoobay ujeedkii uu ka lahaa kulanka waxa uuna kulankaasi uu bedelay dabeecadii looga bartay isaga oo carro uga baxay kulanka bacdamaa uu waayay rajadii uu ka sugaayay Mooshin wadayaasha isbaheystay.

Wax natiijo ah kama uusan gaarin kulanka oo ahaa mid ay garab boodayeen Xubno isaga ku dhow dhow, waxa uuna Xassan Sheekh dalbaday inta uu kulanka socday in Xildhibaanada ay ka taliyaan aayaha dalka, hayeeshee taasi ay noqotay mid ay kusoo jilci waayen mooshin wadayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, arinta la xiriirta wakhti dheereysiga ayaa dhabar jab ku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ay xaaladu ku xun tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com