Magacyada 3 Soomaali ah oo lagu helay fal laga yaqyaqsado oo xabsi lagu dhigay dalka BRITAIN

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex dhallinyarro Somali, ayaa lagu soo oogay inay dhac la beegsadeen dadka wata Baaskilladda isaga kala gooshta magaalladda Bristol iyo Wadadda Tareenadda ee Bath Railyway Path.

Saddexdaasi ayaa la sheegay inay garaaceen dad aan waxba galabsanin, oo ay qaarkooda ku garaaceen Baaskiiladooda, si ay u dhacaan Mobayaladooda iyo suumanka.

Maxkamadda Bristol Crown Court ayaa la soo taagay Eedeysanayaasha lagu kala magacaabo Guleed Mahad Ali, Ahmed Saed iyo Guled Osman Ali, oo 20 jirrayaal ah.

Eedeysanayaasha waxaa midkiiba lagu xukumay xabsi 30 bilood ah.

Dacwad-ooge Gregory Gordon ayaa sheegay in Eedeysane Guuleed Cusman inuu dhowr jeer wejiga ka laaday Najma Mamaoud, si uu uga dhaco Mobaylkeeda.

ISHA: Bristol Post

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com