Xeer-Ilaliyaha oo amar adag duldhigay wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa goordhow soo saaray digniino ku socta Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia.

Xeer ilaaliyaha ayaa Wasiirada uga digay in akoono gaar ah ay ka furtaan Bankiyada gaarka loo leeyahay, waxa uuna sheegay in haddii ay dhacdo arrintaasi ay abuuri karto caqabad iyo la xisaabtan ku yimaada Xubnahaasi.

Waxa uu Xeer ilaaliyaha ku amray Wasiirada kaliya in loo baahan yahay in Akoonada Wasiirada ay ku ekaadan Bankiga Dhexe ee Dowlada.

”Waxaan ka digayaa in xubnaha ka tirsan Hay’adaha dowlada ay akoono ka furtaan Bankiyada kale, xoojin waxaa u baahan Bankiga dowlada wixii kasoo hara raali lagama noqon doono”

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa intaasi ku daray inuu uga digaayo Wasaarada in lagu takri falo dhaqaalaha u soo xarooda Wasaarad kasta oo Xukuumadda ka tirsan, hadii Wasiir kamid ah Xukuumada lagu helo dhaqaale uu musuqay isaga ayaa mas’uul ka ahaan doona, sida uu hadalka u dhigay.

“Raali kama ahaan doono in Wasiir ka tirsan Xukuumada uu faragalin ku sameeyo dhaqaalaha Wasaarada uu markaasi mas’uulka ka yahay si dhaqaalaha loola socdo waa in la isticmaalo akoonka Bankiga Dowlada”

Haddalka Xeer ilaaliyaha ayaa imaanaya xili inta badan Wasiirada iyo Agaasimayaasha ay dhaqan u yeeshen musuqa Hanti qaran iyo lacagaha loogu tallo galay Shaqaalaha Wasaaradaha oo ay jeebka ku ritaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com